Tillaabooyinka Xiga ee Villa Somalia qaadeyso kadib Eryiddii Safiirka Kenya !!

Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), oo raadineysa kaar si wanaagsan loo xoqdo oo loo adeegsado dib u doorashada maamulka hadda jira ayaa maalmihii tegay aad u iibineysay aragti siyaasadeed dowladda Kenya looga dhigayo cadaw Soomaaliyeed, musharrixiinta diidan hannanka Farmaajo doorashad u wajahayaanna loo aqoonsado siyaasiyiin u adeegaya dowladda Kenya.

Aragtidaas waxaa lasoo dhex mariyay guddoomiyaha gobalka Banaadir, maamulka gobalka gedo, odayaal dhaqameed iyo dad kale oo masaajid dhexdeed looga hadashiiyay, waxaana dabka basiin lagu sii shubay markii la banneystay daadinta dhiigga musharrixiinta iyada oo aayada Qur’aan la daliishanayo.

Takfiirinta siyaasadeed oo taxliiliyaasha amnigu ku tilmaameen mid taageereysa fikirka Shabaab ee salka ku haya in la gaaleysiiyo qof kasta oo kaa aragti duwan, waxaa lagu kabay eryidda safiirka Kenya iyo u yeeridda safiika Soomaaliya ee Nairobi saldhiggiisu yahay- Labada Safiir mid kasta dalkiisa ayuu joogay marka uu soo baxayay warka kala rarashada safaaradaha.

Kaar hore oo la xoqday

Sannadkii 2016, Farmaajo iyo kooxdiisa ololaha ayaa waxay aad u iibiyeen in maamulkii xilligaas jiray uu aad isugu dhiibay Ethiopia loona baahanyahay in isbedel lala yimaado si meesha looga saaro gumeysi dadban oo Itoobiyaanku Soomaalida ku hayeen, hase yeeshee isla sanadkii ugu horreeyay ee xukunka Farmaajo, Halgamaa Cabdikariim Qalbi-dhagax ayaa Farmaajo u gacan geliyay Itoobiya ONLF-na waxuu u aqoonsaday urur Argagaxiso, waxaana xigay xiriir qota dheer oo Itoobiyaanka lala sameysatay iyo in Soomaalida looga dhigay saaxiibkii ugu wanaagsanaa ee abid ay hesho.

Isu dhiibidda xad dhaafka ah ee Farmaajo ku wajahay Ethiopia waxay sababtay in dhawaan shaqada laga eryay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda DFS, kadib markii ay sidaas dalbatay dowladda Ethiopia. Wasiirka la eryay ayaa kasoo hor jeestay warqad lagu raalli geliyay Ethiopia oo ogaal la’aanta wasiirka uu soo saaray wasiiru dowlaha idman ee arrimaha dibadda, Balal oo Farmaajo ay qaraabo yihiin.

Maxaa dhici kara hadii Farmaajo iibiyo Qorshaha Kenyna Naceyba uu miiska soo saaray?

Dadka qaar ayaa ku doodaya in xitaa hadii uu Farmaajo meel mariyo fikirka Kenya naceybka ah ee hadda uu abuurayo, in hadii uu talada kusoo laabto uu siin doono badda ay nagu heysato, waxaana dadka doodaan qaba ay tixraac ka dhiganayaan wixii horay u dhacay (arrinta Ethiopia) sida loo maareeyay iyo xisaabta qaldan ee ku saabtan KM baddeenna ee lagu soo daray manhajka Qaranka.

Maxaa tillaaba ah oo ku xiga amarka lagu eryay safiirka Kenya oo Villa Somalia ay qaadeysaa?

Eryidda Safiirka Kenya oo sababta kaliya ee loo cuskaday ay aheyd in lagu shaabadeeyo in Kenya ay tahay cadaw Soomaaliyeed, xariirna la leh midawga musharrixiinta ee sida xooggan u diiday qorshaha isku caana shubka ah ee ay isla wadaan Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa xiga tillaabooyin lagu xoojinayo oo ay kamid yihiin in gobalka Banaadir lagu amro dhigidda bannaan baxyo lagu taageerayo go’aanka iyo in lasoo saaro warqad lagu caddeynayo in tillaabo laga qaadayo cid kasta oo arrintaan u wajahda si ka duwan sida Villa Somalia ay dooneyso.

Qorshuhu waxuu yahay in halkaas aragti la iibiyo oo la diido ka hadalka danta rasmiga ah ee Villa Somalia ay ka leedahay oo ah in dadka ku harqiso mawaadinno been ah, si Farmaajo loogu arko ninka kaliya ee dalka hoggaamin kara iyo in lasii karaariyo qorshaha banneysiga dhiigga musharrixiinta kooxohooda ololaha.

W/Q Abdinuur H Dahir

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -